Ra’iisul wasaare Khayrre oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Davos ee dalka Switzerland uga qayb galay kulanka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka ee loo yaqaano WEF 2018
Kheyrre oo ka warbxiyay kulamadii uu ka qayb galay ayaa sheegay in Shirka Fagaaraha Dhaqaalaha aduunka oo Soomaaliya markii koowaad lagu marti qaaday in ay ku soo bandhigtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.
Mudane Kheyre ayaa tilmaamay dhowr shir oo kala duwan in uu ku soo bandhigay tallaabooyinka dhiirrigelinta leh ee Soomaaliya qaaday ee dhanka horumarka iyo xaaladda guud ee dalka.
Xasan Cali Khayrre Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay hogaamiyayaal iyo ururo caalami ah, kuwaas oo daneenaya arrimaha Soomaaliya, isagoona ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero hawlaha ay ugu jirto suggidda ammaanka, dib u soo noolaynta dhaqaalaha, iyo dhismaha haya’adaha dawladda.
Ra’iisul wasaare Khayrre ayaa madaxda ka qayb galaysa shirka ka codsaday in dalkiisa laga cafiyo deymaha lagu leeyhay si ay u soo kabato Soomaaliya loona helo fursado shaqo, isagoo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso dabar goynta musuq maasuq iyo amaan darada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *