3 askari oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Afghanistan

Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 maleeshiyo ah ay weerar ku qadeen saldhig militari oo ku yeelo meel u dhow xarun lagu tababaro ciidamada difaaca ee wadankaasi.
Hal sarkaal ayaa goobtaasi lagu dilay iyadoo seddex kalena la dhaawacay.
Weerarkan ayaa laga geystay galbeedka caasimadda Afghanistan ee Kabul iyadoo halkaas laga maqlayay dhawaqa rasaasta.
Waxaa uu imaanaya laba maalmood un kadib markii weerar ka dhacay gudaha caasimadda dalkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 103 qof halka 158 kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa ka sii horeeyay mid kale oo lala eegtay maqaaxida Intercontinental oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.
Labada qarax ee ka sii horeeyay weerarka saaka dhacay ayaa waxaa sheegatay kooxda Taliban.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *