Australiya oo 3.1 bilyan oo doolar ku qarash gelineysa inay hub u dhoofiso dibadda

Ra’iisul wasaaraha Australiya Malcolm Turnbull ayaa maanta oo isniin ah sheegay in shirkaddaha soo saaro qalabka militariga la siinaya lacago amaah ah si ay u suura gasho in hub loo dhoofiyo dibada.
Qorshahaasi ayaa loo adeegsanaya 3.1 bilyan oo doolar
Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii Australiya ay ka dhawajisay inay miisaaniyada la siiyo waaxda gaashaanshigga ay sanadka 2021-ka ka dhigeysa 30 bilyan oo doolar.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ciidamada militariga ee Australiya ay soo iibsadaan qalab uu ka mid yahay diyaradaha aanan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka.
Ra’iisul wasaaraha Australiya ayaa sheegay inay dowladu hiigsaneysa in dalkaasi uu ka mid noqdo tobanka wadan ee ugu horeeya caalamka dhanka soo saarista hubka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *