DHAGEYSO Isku duwaha amaanka ee gobolka waqooyi bari oo ka hadlay derbiga kala qeybinaya beledxawo iyo Mandhera

Isku duwaha amaanka ee gobolka waqooyi bari Kenya Ambasadoor Maxamuud Salaax ayaa sheegay in tan iyo markii la bilaabay dhisidda darbiga kala qeybinaya degmada Beledxaawo iyo Mandhera ay hoos u dhaceen weerarada ay fuliyaan kooxaha loogu yeero argagixisada.
Maxamuud Saalax ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in derbigaasi la dhiso ilaa iyo 28 kiilomiitir.
Waxaa uu intaasi ku daray in weerarada ay yaradeen in ka badan boqolkiba 90.
Isku duwaha waqooyi bari ayaa sido kale ka dhawajiyay in amaanka Mandhera uu boqolkiba 90 yahay mid sugan marka laga reebo inta u dhexeysa carabiya iyo Kutulo oo hoosta ka xariiqay inay ka jiraan caqabado xal loo helaya.
Waxaa uu dhanka kale ka dhawajiyay in soomaalida ka imaaneysa dalka soomaaliya loo ogolaanayo inay soo galaan Kenya hadii ay wadaan dokumeentiyada looga baahanyahay.
Sido kale Ambasadoor Saalax ayaa carabka ku adkeeyay inuu ku faraxsanyahay sida loo wado dhismaha darbigaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *