Qoysas dhowr ah oo hooy la’aan noqday kadib markii uu dab ka kacay xaafad ka tirsan degaanka Langata

Seddex qof ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhinteen dab xalay ka kacay xaafad ku taalo degaanka Langata ee Nairobi sida laga soo xigtay agaasime ku xigeenka waaxda qaran ee maareynta musiibooyinka Pius Masai .
Meydadka dadkan ayaa la helay saaka halka taliyaha saldhiga booliska ee Lang’ata Elijah Maina uu horay u sheegay in dhaawaca uu yahay seddex qof wax dhimasho ahna aanan la soo tabin.
Waxaa weli socdo hawlaha samata bixinta ee laga wado xaafada isku raranta ah ee Kijiji .
Sarakiisha hay’adda laanqerta cas ee Kenya aya sheegay in dabka la demiyay iyadoo shaqaalaha waaxda maareynta musiibooyinka ay yesheen kulan degdeg ah oo arrinkasi ku aadan.
Ciidamada booliska ayaa dhankoodu sheegaya inay baaritaano wadaan si loo xaqiijiyo sababta dabka keentay inuu xaafadaasi ka kaco.
Dabkan oo aha mid xooggan ayaa burburiyay qeybo ka mid ah xaafadaasi isku raranta ah taasi oo saameyn ku yeelatay boqolaal qoysas ah.
Waxaa sido kale halkaasi ku gubtay guriyo, dukaamo iyo qaar ka mid ah goobaha madadaalada.
Waaxda dab damiska ayay mudo ku qaadatay inay goobta garaan maadama sida ay shegeen ay wayeen wado wanaagsan oo ay u maraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *