Qoysas dhowr ah oo hooy la’aan noqday kadib markii uu dab ka kacay xaafad ka tirsan degaanka Langata

Qoysas dhowr ah ayaa waxaa uu khasaro ka soo gaaray dab xalay fiidkii ka kacay xaafada Kijiji ee degaanka Langata ee ismaamulka Nairobi.
Dabkan oo aha mid xooggan ayaa burburiyay qeybo ka mid ah xaafadaasi isku raranta ah.
Ciidamada booliska ayaa sheegaya in dabkaasi uu xaafada ka kacay 9-kii fiidnimo ee xalay in kastoo ilaa iyo hadda aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo la xaqiijiyay.
Waaxda dab damiska ayay mudo ku qaadatay inay goobta garaan maadama sida ay shegeen ay wayeen wado wanaagsan oo ay u maraan.
Taliyaha saldhiga booliska ee Langata Elijah Mwangi ayaa ka dhawajiyay inaan weli la ogaan sababta keentay in dabkaasi uu xaafada Kijiji ka kaco hasa ahaate baaritaano la sameynaya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *