7 qof oo duqeeyn cirka ah lagu dilay Gobolka Idlib ee dalka Suriya

Ugu yaraan 7 qof ayaa la dilay halka 18 kalena la dhaawacay ka dib markii ay duqeymo cirka ah ka dhaceen gobolka Idlib ee waqooyiga  dalka Suriya.

Diyaarad laga leeyahay wadanka Ruushka ayaa duqeyn ka fulisay magaalada Ariha ee gobolka Idlib sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ha,adda difaaca Bulshada ee Suuriya.

Tan iyo bishi May ee sanadkii hore waxaa ay diyaaradaha Ruushaka beegsanayeen kooxaha hubaysan eek u sugan Gobolka Idlib.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumanaan kun oo qof lagu dilay dalka Suriya tan iyo markii ay dagaalada sokeeya ka qarxeen wadankaasi.

Saraakiisha dowladda Suriya ayaa sheegay in ku dhawaan 10,000 oo qof ay ku dhawyihiin inay ku dhinteen dagaalada wali ka jira dalka Suriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *