Arday wax ka barataa dugsiga sare ee Jamhuri oo dacwado lagu soo oogay

Arday wax ka bartaa dugsiga sare ee Jamhuri ayaa lagu soo oogay dacwad la xariirta rabshadihii dhawaan ka dhacay skuulkaasi.

Ardaydan oo fasalka afaraad ah ee Form 4 ayaa waxaa lagu kala magacaaba David Kyalo, Brian Oswago, Clinton Luvago iyo Moses Otieno.

Garsooraha maxkamada Francis Andayi ayaa amar ku bixiyay in ardaydaasi lagu siidaayo damiin lacageed oo gaaraysa 20,000 oo shillinka dalka ah.

Afartan shaqsi oo wax ka barta dugsiga sare ee Jamhuri ayaa dacwadooda dib loo dhagaysan doona 9 bisha April lee sanadka inta aysan u fadhiisan imtixaanka qaran ee KCSE-da.

7 arday ah ayaa lagu dhaawacay iska hor imaadyo dhexmaray ardayda dhigataa dugsiga sare ee Jamhuri oo ku yaala magaaladatan Nairobi.

Isku dhacani ayaa la sheegay inuu ka dhashay takoor diimeed oo ardayda qaar ay cabasho ka muujiyeen.

Sido kale lama ogo sida ay suura gal ku noqotay in ardayda ay dugsiga la galaan mindiyo iyo baangado.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *