Ciidamada Booliska oo qabtay basas waday tageerayasha Nasa

Ciidamada booliska dalka ayaa deeganka Voi ee ismaamulka Taita Taveta ku qabtay seddeax bas oo waday tageerayasha mucaradka Nasa oo ku soo wajahnaa magaaladatani Nairobi.
Seddaxdan bas oo la qabtay ayaa waxay kamid ahaayeen lix bus oo ka soo ambabaxay ismaamulka Mombasa .
Basaskan la qabatay ayaa waxa sarnaa taagerayasha isbaheysiga mucaradka Nasa oo doonayay inay ka soo qeyb galaan xaflada lagu dharinaya Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka.
Taliyaha booliska ee deeganka Voi Joshua Chesire ayaa sheegay in bsaska ay saarnayeen 82 rakaab ah kuwaasi aan u hogaansamin shuruucda wadooyinka.
Rakaabkan ayaa u badnaa dhalinyaro oo 10 kamid ahna aysan haysanin kaar aqoonsiga dalka oo afar kamid ahna ay ahaayeen haween.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in maxkamada loo gudbin doono si loogu soo oogo dambiyada tarafikada.
Tageerayasha ayaa basaka ku sugaayay xarunta hanti dhoowrka oo u dhaw xafiiska Gavanaha ismaamulka Mombasa.
Warar laga helay ciidamada taraafikada ayaa sheegayaa in horey loo soo wareejiyay lambarada basaskaasi si loo hubiyo inaysan sii wadanin safarkooda.
Basaskan ayaa waxaa daaha ka rogay afhayeenka ismaamulka Mombasa Harub Khatri oo uu wehelinayay gudoomiyaha xisbiga ODM ee ismaamulkasi Mohammed Hatimy.
Mr Khatri ayaa shegay in taageerayasha lagu waday inay tagaan Nairobi si ay uga qeyb galaan xaflada dhaarinta Raila Odinga.
Wuxuu intaasi ku daray in taageerayasha Nasa ay u codeeyeen Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka doorashadii 8-dii August oo ay iyaga ku guuleysteen hasa ahaate ay xadeen xisbiga Jublee.
Intii lagu guda jiray booqashadii todobaadkii hore uu Raila Odinga ku tagay ismaamulka Mombasa ayuu Mr Khatri balan qaaday inuu bixin doono qarshadka taageerayasha Nasa ay ku imaan doonan Magaalada Nairobi.
Ciidamada booliska ayaa dadka uga digay inay tagaan uhur parka iyo nawaaxigeeda iyagoo sheegay inaan lagu wargalinin qorsha dhacdadaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *