Dowladda oo liiska dambiilayaasha ku dartay dhaqdhaqaaqa loogu magacdaray

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee dalka Dr Fred Matiangi ayaa ku dhawaaqay in ay mamnuuc dalka ka tahay Dhaqdhaqaaqa Iska Caabinta ee ay dhawaan shaaciyeen isbaheysiga mucaaradka ee NASA .

Dr Fred Matiangi ayaa arinkaasi shaaciyay isagoo u cuskanayaa qodobka 2010-aad eek a hortagayaa kooxaha dambiyada.

NRM oo ay dhawaan ku dhawaaqeen isbahaysiga NASA ayaa dowladu hadda waxaa ay u aqoonsatay sida kooxaha Al,Shabaab,Al-Qaacida iyo Taliban.

Sido kale liiska ay dowladu horey u mamnuucday ayaa waxaa ku jiraa Mungigi, Mombasa Republican Council, Sabaot Land Defence Force, . Kamukunji Youth Group,Kaya Bombo Youth ,Kenya Youth Alliance, Coast Housing Land Network, . Jeshi la Embakasi, Makande Army, iyo kooxo kale,

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *