Gooa hayaha Arsenal Oo Ka Digay Khatar Arsenal Kusoo Wajahay kooxda Arsenal

Petr Cech ayaa u sheegay Arsenal inay u baahan tahay horumarin badan oo kooxda lagu sameeyo si aysan ugu guuldareysan usoo baxista Champions League xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta.
Gunners ayaa ku dhameysatay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2016-17, waxaana ay halis ugu jiraan inay mar kale seegaan tartamada Europa, iyagoo fadhiya kaalinta lixaad, waxaana ay shan dhibcood ujiraan kaalinta afaraad.
Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, inkastoo isbuucii lasoo dhaafay Chelsea 2-1 ku garaaceen tartanka EFL Cup.
Cech ayaa ugu baaqay kooxdiisa inay diirada saarto dagaalka afarta kooxood ee ugu sareya horyaalka Premier League xili ciyaareedkaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *