Henrikh Mkhitaryan oo sheegay inuu sugi la’yahay ka mid noqosha safka Arsenal

Henrikh Mkhitaryan ayaa shaaca ka qaaday qaabka uu ugu riyoon jiray inuu ka ciyaaro weerarka Arsenal ka hor inta uusan dooran kooxda ka dhisan Premier League.
Mkhitaryan oo 29 jir ah ayaa ku biiray Arsenal horaantii bishaan kadib markii uu qeyb ka noqday heshiiskii uu Alexis Sanchez ugu biiray Manchester United.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Armenia ayaa kaliya 11 kulan u ciyaaray United xilli ciyaareedkan ka hor inta uusan u dhaqaaqin Emirates Stadium.
Mkhitaryan ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Arsenal uu yahay mid soo jiidasho leh, isagoo hadda ku kalsoon inuu wax badan kusoo kordhin karo weerarka Gunners.
Mkhitaryan oo 63 kulan u saftay tartamada oo dhan kooxda Manchester United ayaa dhaliyay 13 gool, laakiin noloshiisa cusub ee Arsenal ayaa u bilaaban doonta caawa marka Gunners usafreyso Swansea City.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *