DHAGEYSO Injineer Yariisow oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan injineer Yarisow ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta gobolka Benaadir si rasmi ah xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore Mudane Taabid Cabdi Maxamed.
Xafladda xil wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka soomaaliya Wasiirro, Xildhibaanno, Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Saraakiil, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa ku qabsoomtay jawi wanaagsan.
Ugu horrayn waxaa munaasibadda hadal ka jeediyey guddoomiyihii hore Mudane Taabid Cabdi Maxamed, waxana uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inuu si nabad oo dimuquraadi ah ugu wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub, isagoo xusay waxqabadkii uu soo qabtay mudadii uu shaqeynayay, waxana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyey inuu halkaa kasii wado shaqada iyo horumarka.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan injineer Yarisow oo isna hadal kooban goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Benaadir, isagoo sheegay inuu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Benaadir iyo inuu gobolka horumariyo.

Ugu danbeyn, waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir iyo guddoomiyihii hore, sidoo kale waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir oo dhammaantood mahadcelin iyo boggaadin u jeediyey madaxdii ay xilalka kala wareegeen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *