Maraykanka oo sheegay inuu meesha ka saaraya xayiraada saran qaxootiga

Dowlada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in meesha laga saarayo xayiraada la saaray qaxtooiga ka imaanaya 11 wadan oo lagu tilmaamo inay halista ka jirto aad u sareysa.
Hasa ahaate dadkaasi iyaga ah ayaa lagu sameynayaa baaritaano qota dheer ka hor inta aanan loo ogolaanin inay gudaha u galaan Maraykanka sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Xoghayaha wasaaradaasi Kirstjen Nielsen ayaa ka dhawajisay inay muhimad gaar ah leedahay in la ogaado cida tageysa dalkaasi.
Hasa ahaate waxaanan si rasmi ah shaaca looga qaadin 11-ka wadan in kastoo horay loo sheegay in qaxootigaasi ay yihiin kuwa ka soo jeedo Masar, iiraan, Ciraaq, Mali, Liibiya , kuuriyada waqooyi, soomaaliya, sudaanta koonfureed, sudan, suuriya iyo Yemen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *