Maxkamada ugu sareysa Maldives oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Cabdulla Yameen 

Hoggaamiyaasha garabka mucaaradka ee dalka Maldives ayaa maxkamada ugu sareysa wadankaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Cabdulla Yameen.
Waxay doonayaan in si ku meel gaar ah xilka madaxweynanimo looga qaado si loogu sameeyo baaritaano ku aadan musuqmaasuqa.
Madaxweyne Yameen oo 58 sano jir ah ayaa dhankiisa gaashaanka u daruuray dacwad ka dhanka ah waxaa uuna tagerayaashiisa oo uu kula hadlay caasimada Male uu sheegay in mucaaradka ay doonayaan inay xilka ka turaan dowlad si sharci ah lagu soo dhisay.
Maamulka Yameen ayaa lagu dhaliilay inuu geystay xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha iyo musuqmaasuq baahsan oo aanan horay loo arag.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *