Raila Odinga oo dhawaan  is dhaariyay

 

Waxaa beerta xuriyada ee  Uhuru Park dhawaan isku   dhaariyay hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila  Odinga

Halkaasi ayaa waxaa isugu tagay  kumanaan qof oo ka mid ah shacabka dalka   oo  tageersan   garabka mucaaradka ee dalka.

Dhaarinta Raila Odinga ayay dowalada ku tilmaantay sharci darro sido kalena khiyaano qaran ah.

 

Ra’iisul wasarihii hore ee dalka ayaa  dhaarinta ka dib shacabka halkaasi isugu tagay la hadlay.

Waxaa uu ka dhawajiyay inay maanta dhameystirayaan  balanqaadkii ay kenyaanka u sameyeen.

Kalonzo Musyoka oo lagu waday in isna la dhaariyo ayuu Raila Odinga sheegay in dib laga dhaarin doono.

Waxaa uu carabka ku dhuftay in madaxda kale ee mucaaradka  sida Musalia Mudavadi iyo MoseS Wetangula ay la jiraan.

Xaflada maanta halkaasi ka dhacday ayuu ku tilmaamay mid taarikhdi ah.

Shacabka dhaarinta u soo baxay ayuu u mahadceliyay.

Waxaa uu ku nuxnuuxsaday  in dad midoobay aanan la kala qeybin Karin.

Waxaa uu balanqaaday in waxyaabaha soo kordho dhib laga soo shaaccin doono.

Raila odinga ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha shacabka in kastoo shalay madaxda fulinta ee NASA Norman Magaya uu sheegay in Raila loo dhaarinaya madaxweynaha jamhuuriyada Kenya.

Tagerayaasha urur weynaha   mucaaradka Nasa ayaa saaka    isugu tagay beerta xuriyada  ee Uhuru Park iyagoo sugayeen  inay si rasmi ah u bilaabato xaflada lagu dhaarinayo madaxdooda ugu sareya ee kala ah Raila Odinga oo dhawaan  dhacday

Madaxa fulinta ee Nasa   Norman Magaya  ayaa shalay sheegay in tagerayaasha laga doonayo inay goobta ku sugnadaan oo ay fariistaan  8-dii barka subaxnimo ee saaka.

 

Dhanka kale Kalonzo Musyoka  oo ka mid ah madaxda sar sare  ee Nasa ayaa    weerar ku tilmaamay talladaba lagu demiyay qaar ka mid ah telefishinada dalka sida , KTN ,NTV iyo Citizen.

Warbaahinadaasi ayaa  dawadayaashooda ku soo wargelinaya qaab online iyo baraha bulshada.

MaamulaHA   guud ee    warbaahinta Royal Media  Wachira Waruru ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in la damiyay citizen tv in kastoo aanan loo sheegin sababta  tallabadaasi loo qaaday.

Waxaa uu bayaanka ku xusay inuu wadahadal u socdo madaxda warbaahintaasi iyo maamulka  isgaarsiinta si sharaxaad looga siiyo arrinkaasi.

Waxaa uu ku adkeystay inaysan dalka meel uga socon xita dhaarinta ka dhib.

Kalonzo Musyoka ayaa dhanka kale sheegay in lagala laabtay ilaaladiisa in kastoo weli dowlada aysan  arrinkaasi  ka hadlin.

Kalonzo Musyoka ayaa tageerayaasha mucaaradka ugu baaqay  inay deganaansho muujiyaan oo ay ka fogadaan kicinta rabshadaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *