Siyaasiyiinta Nasa oo gaaray beerta uhuru parka.

Siyaasiyiinta isbaheysiga mucaradka Nasa ayaa gaaray beerta xoriyada uhuru parka halkaas oo sida qorshaha yahay lagu wado in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa aheed ruuxii ugu horeeyay oo gaaray goobtaasi.
Hogaamiyaal kale oo ka tirsan isbaheysiga mucaradka ayaa goobta gaaray oo ay kamid yihiin xidhlibaanka deegaanka Rangwe Lilian Gogo, senetarka ismaamulka Homa Bay Moses Kajwang, xidhlibaan Elisha Odhiambo iyo hogamiyaha laga tirada badanyahay aqalka baarlamaanka dalka ahna xidhlibaanka koonfurta Suba John Mbadi.
Xidhlibaan Lilian Gogo ayaa sheegtay inay aheed xaalad sugitaan, balse hada ay goobta soo garen tageerayasha sidaasi awgedna ay hogamiyasha ay kol dhow soo gaari doonaan.
Ms Gogo ayaa intaasi ku dartay in maanta ay shaqeyn doonta awooda shacabka waa sida ay hadalka u dhigtay.
Qaar kamid ah tageerayasha mucaradka Nasa oo ku sii jeeda beertra uhuru park ayaa watay sawiro laga hagagiyay dube iyo waxyaabo kale halka kuwa kalena ay soo raceen bas iyo matatu.
Gudaha Kibera ayaan lagu arkeynin ciidamada amaanka iyadoo tukaamo kooban ay shaqeynayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *