25 milyan oo u dhashay Tanzaniya oo la sheegay inaysan helin adeegyada garsoorka

Warbixin ka soo baxday waaxda garsoorka ee dalka Tanzaniya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 25 milyan oo qof oo wadankaasi u dhashay aysan si buuxda u helin adeegyada ku aadan cadaalada.
Madaxa cadaalada ee Tanzaniya Ibrahim Juma ayaa ka dhawajiyay in la wado qorshayaal dhowr ah oo lagu wanaajinayo helidda adeegyada cadaalada.
Waxa uu intaasi ku daray in maxkamado badan la dhisaya si sara loogu qaado tirada shacabka ee ka faaidaya adeegyada garsoorka.
Waxaa uu hadalkan jeediyay xili uu xariga ka jarayay dhismaha maxkamadaha degmada Bagamoyo.
Sido kale madaxa cadaalada ee Tanzaniya ayaa hoosta ka xariiqay inay wada shaqeyn ka dhexeysa baarlamaanka, garsoorka iyo golaha fulinta ee dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *