Arsenal oo ugu dambeyn dhameystirtay Aubameyang

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa maanta dhammaytirtay saxiixa Weeraryahan Pierre-Emerick Aubameyang, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka.
Tan iyo markii uu kooxda Gunners ka tagay Alexis Sanchez oo u dhaqaaqay Manchester United waxa ay raadinaysay bedelkiisa, laakiin hadda waxa ay xaqiijisatay inay gacanta ku soo dhigtay Aubameyang.
Heshiiska ay Arsenal kula wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sida la sheegay waxa uu ku kacay 63.75 milyan oo euros.
Aubameyang ayaa dhaliyey 98 gool 144 kulan oo uu tartammada oo dhan u ciyaaray Dortmund.
Kooxda Gunners ayaa saxaafadda u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Aubameyang, inkastoo aysan weli xaqiijin lambarka uu u xiran doono.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *