Lambarkee ayuu Aubameyang Arsenal U xiran Doonaa

Arsenal ayaa ugu dambeyn gacanta ku soo dhigtay weeraryahanka reer Gabon ee naadiga Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang kaa oo noqday laacibka ugu qaalisan kooxda reer London.
Haddaba inkastoo la soo bandhigay waxaan weli la xaqiijin Lambarka uu u xiran doono naadigiisa cusub.
Aubameyang ayaa heysta fursada uu ku xiran karo maaliyada No.14 uu xiran jiray halyeyga Arsenal ee Thierry Henry balse weli lama xaqiijin inuu xiran doono.
Sidoo kale Aubameyang ma xiran karo Lambarka uu inta badan jecel yahay ee No 17 maadaama uu xirto wiilka soo baxaya ee Alex Iwob.
Waxaa kaloo la wada xiran yahay Lambaradii kale uu horey u soo xirtay dhaliyaha reer Gabon.
Sidaa darteed marka laga soo tago No.14 uu xiran karo wuxuu kaloo kooxdiisa cusub u xiran karaa. 15, 22, 25, 26, 28 iyo 34.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *