Arsenal oo ku guul dareystay saxiixa Evans

Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay la soo wareegto daafaca kooxda West Bromwich Albion Jonny Evans ka dib markii laga soo diiday dalab 12 milyan oo ginni oo ay ka gudbiyeen habeenkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga.
Wargeyska Sportsmail ayaa fahamsan in dalabkii Arsenal u dirtay kabtanka West Brom la soo diiday saacadii ugu dambeyay suuqa kala iibisga habeenkii xalay.
Wargeyska ayaa qeexay in heshiiska uu ku dhawaa inuu dhaco ka dib markii 30 jirkaan laga saaray kooxdii West Brom ee wajahday Manchester City habeenkii xalay.
Laakiin warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa lagu sheegay in daafacaan dhaawac cajirka ah looga saaray ciyaaratii xalay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *