Barcelona Oo Caawa Lugta Hore Ee Semi-finalka Copa del Rey la ciyaareysa Valencia

Barcelona ayaa dooneysa inay sii wadato waqtigeeda fiican marka lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey ay ku wajahayaan caawa oo khamiis ah kooxda Valencia.
Kooxda Barcelona waxay qarka usaaran tahay in ay gaarto kamka dambeysta tartankaan oo ay ku guleysatay saddexdii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay.
Barcelona ayaa rajeyneysa in ay dib usoo dhaweyso Sergio Busquets iyo Jordi Alba oo laga saaray line-upka kooxda kulankii ugu dambeeyay.
Ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Philippe Coutinho ayaa shaki uu ku jiraainuu kusoo bilowdo kulankaan kadib qaab ciyaareedkiisii xumaa ee kulankii Alaves.
Geoffrey Kondogbia iyo Ezequiel Garay ayaa diyaar u ah inay u ciyaaraan kooxda martida ah, laakiin Goncalo Guedes ayaa dhaawac ku maqan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *