Ciidamada amaanka Puntland oo ka hadlay weerar loo gaystay wasiiruhu dowlaha dekedaha ee muumulkaasi.

Taliska Ciidanka Booliska ee Maamulka Puntland ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii shalay lagu qaaday wasiiro Dowlaha Dekadaha ee Puntland, waxayna talisku sheegeen inay gacanta ku dhigeen ragii ka danbeeyay dhaawicii shalay galinkii danbe magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu gaystay Wasiiru dowlaha Dekadaha ee Puntland Axmed Siciid.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askarta dhaawacday Wasiiru Dowlaha.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska ee gobolka Bari ayaa intaasi raaciyay inay cadaalada hor geyn doonan shaqsiyaadka weeraray Wasiiru Dowlaha Dagadaha ee Maamulka Puntland.
Shalay galin kii danbe ayey aheed markii ciidamo watay gaari Cabdi Bile ah ay rasaas ay ooda kaga qaadeen gaari uu watay wasiiro dowlaha oo marayay gudaha Magaalada Boosaaso ayadoona lagu dabiibayo dhaawaciisa isbitaal ku yaal Magaalada Boosaaso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *