Taliska AMISOM oo xilalka la kala wareegay.

General Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan dalka Somalia ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub Ciidanka AMISOM.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane ayaa waxaa xilka kula kala wareegay labadaaan sarkaal oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda wadamada Jabuuti iyo Uganda.
Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka AMISOM Ambasaddor Francisco Madiera, Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Saraakiil Somalia ah ayaa goobta ku sugnaa,ugu danbayntiina Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka AMISOM Ambasaddor Francisco Madiera ayaa General Subagle uga mahadceliyay shaqadii uu soo qabtay, isaga oo Taliska cusub ka dalbaday inay laba jibaaraan Howlgalka AMISOM.
Cismaan Nuur Subagle ayaa horey xilkan si rasmi ah ugula wareegay Taliyihii hore ee AMISOM General Jonathan Rono oo u dhashay dalkani Kenya 19-kii July 2016-kii, kadib markii ay dhamaatay mudo xileedkiisii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *