Tottenham oo guul daro dabarka u surtay Man United

Kooxda Tottenham ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Man United iyadoo kulanka uu ahaa mid ay cadaadis badan la kulmeen wiilasha tababare Jose Mourinho.
Tottenham ayaa kooxda Manchester United u xabaartay guuldaro ay u qalmeen.
Christian Eriksen ayaa ilbiriqsiyadii ugu horeeyay kulanka dhaliyay goolka furitaanka ee ciyaarta.
Laacibkan oo kubad cirib ah ka helay Dele Alli, ayaa shabaqa Man United ku hubsaday.
Daafaca reer England Phil Jones ayaa kubad shabaqiisa ku leexiyay shabaqiisa, waxaana ku qasbay daafaca da’da yar ee Spurs Tripier.
Sanchez ayaa la kulmay guuldaro kulankiisii ugu horeeyay kooxdiisa cusub ee horyaalka Premier League, waxeyna natiijada kusoo dhamaatay 2-0 oo ay Spurs guul ku gaartay.
Natiijada ka dhacday garoonka Wembley waxey ka dhigan tahay in Red Devils ay hal talaabo gadaal u qaaday madama ay Citizens 15-dhibcood ku hogaamineyso horyaalka Premier League kadib guushoodii West Brom

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *