DHAGEYSO Ururada rayidka ee dalka oo ku baaqay in hawada dib loogu soo celiyo 3 telefishin

Qaar ka mid ah ururada rayidka iyo kooxaha u uloleeya xuquuqul aadanaha ee ka hawlgalo gudaha dalka ayaa dowlada ugu baaqay in seddex telefishin oo la damiyay dib hawada loogu soo celiyo.
Maalintii talaadada taarikhduna ay ku beegnayd 30-kii bishii hore ee Janaayo ayay ahayd markii hawada laga saaray KTN, Citizen iyo NTV kadib markii dowlada ay diiday in si toos ah loo soo tabiyo xafladii uu isku dhaarinayay hoggaamiyaha mucaaradka Nasa Raila Odinga.
Waxay dowlada u soo jeediyeen inay soo afjarto faragelinta iyo cadaadiska ay ku hayso madax banaanida warbaahinta.
Qaar ka mid ah wariyaasha shirakada NTV ayay wararku sheegayaan in xalay aysan ka bixin xarunta warbaahinta kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in sarakiisha amaanka ay doonayaan inay xabsiga dhigaan.
Waa maalinkii seddexaad oo kenyaanka ay wararka telefishinada hawada laga saaray kala socdaan barta Youtube iyadoo xubnaha ururada rayidka ee arrinkaasi ka hadleen

Dhanka kale mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Okiya Omtatah ayaa maxkamada u gudbiyay dacwad uu ku doonayo inay go’aamiso inuu sharci darro yahay amarka lagu damiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *