Ururka Xamaas oo ka biya diiday go’aan ka soo baxay dowlada Maraykanka

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa gaashaanka u daruuray go’aan shalay ka soo baxay dowlada Maraykanka oo ay hoggaamiyaha kooxdaasi Ismaciil Haniyeh ugu aqoonsatay inuu yahay argagiso caalami ah
Wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa shalay soo saartay war saxafadeed lagu xusay in siyaasigan uu xariir dhow la leeyahay garabka militari ee Xamaas.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah in Ismaaciil Xaniya uu hormuud ka yahay halganka hubeysan oo ka dhan ah shacabka Falastiin
Ururka xamaasi oo maamulo Gaza oo ay israa’iil haysato ayaa la aas-aasay sanadkii 1987-dii.
Xamaas ayaa wado dagaal ay uga soo horjeedaan tallabada ay Israa’iil dhulkaasi ku haysato.
Garabka militari ee xamaas ayaa lagu magacabaa Izz al-Din al-Qassam Brigades.
Ismaaciil xaniya oo 54 sano jir ayaa bishii shanaad ee sanadkii tagay loo doortay madaxa siyaasadeed ee Xamaas waxaa uuna xilkaasi kala wareegay Khaled Meshaal.
Hasa ahaate ururka Xamaas ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid halis ah.

Bayaanka Xamaas ayaa waxaa qeyb ka ah in arrinta ay ka dhawajisay dowlada Maraykanka ay tahay xadgudub ka dhan shuruucda caalamiga.
Sido kale bayaankaasi ayaa lagu xusay in go’aanka Maraykanka uu muujinayo inaysan dhexdhexaad ka ahayn ismari waaga ka dhexeya Falastiin iyo Israa’iil.
Xamaas ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tallabada uu Maraykanku qaaday aysan ka hor istaagi doonin inay difaacaan shacabka Falastiin oo ay u dagalamaan ilaalinta dhulkooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *