90 muhaajiriin ah oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen xeebaha Liibiya

Hay’adda qaxootiga ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in Muhaajiriin badan laga cabsi qabo in ay ku dhinteen badda kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha Liibiya.
Inta badan dadka ka badbaaday doonta qalibantay ayaa la sheegayaa iinay yihiin dad u dhashay waddanka Pakistan.
Sidoo kalena waxaa doonta saarnaa dad u dhashay dalka Liibiya.
Waxaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ku dhawaad 90 qof.
Dalalka Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la yareeyo tirada qaxootiga ee soo gaaraya dalalkooda iyo in go’aan laga gaaro dalalka mas’uulka ka ah fududeynta muhaajiriinta soo galaya dalkooda.
Midowga Yurub ayaa heshiis la galay ilaalada xeebaha Liibiya sanadkii lasoo dhaafay si ay gacan uga geystaan joojinta qaxootiga iyo inay dib ugu celiyaan dalka Liibiya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *