Barcelona Oo Hogaanka u hayso Liiska Sideeda Koox Ee Ugu Shaxda Fiican Qaarada Yurub

Suuqa suuqa kala iibsiga jiilaalka ayaa kooxaha ugu waa weyn ee qaaradda yurub qaarkood waxa ay ku iibsadeen ciyaartooy cusub, iyadoo taa bedelka muuqaalka kooxaha uu isbedel ku yimid.

Barcelona ayaa loo codeeyay kooxda ugu shaxda fiican qaarada Yurub sida ku cad codbixin ay sameysay majalada Spain laga leeyahay ee Marca.

Atletico Madrid ayaa kujirta kaalinta sadexaad ee codbixintaan, halka kooxaha Premier League ee Arsenal, Manchester United iyo Chelsea lagu soo daray liiska ugu horeeya.

Real Madrid iyo Juventus kama aysan soo muuqan cod bixinta MARCA ka dib markii ay awoodi waayeen in ay la saxiixdaan ciyaartoy cusub.

Barcelona oo la wareegtay Philippe Coutinho iyo Jerry Mina ayaa loogu codeeyay kooxda ugu shaxda fiican waqtigaan qaarada Yurub.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *