Howlgallo ka socda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanayaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Puntland.
Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo.
Saraakiisha Ciidamada Amniga Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi iyo sidii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyay Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal Sare oo shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod, waxaana uu halkaasi ka waddaa howlo nabadeyn ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *