Koox ka tirsan taagerayaasha mucaradka oo magaalada Naivasha ku dhaawacay askari boolis ah

Koox ka tirsan taagerayaasha urur weynaha mucaaradka ee NASA ayaa wadada weyn ee isku xirta Nairobi iyo Nakuru ku dhaawacay hal askari oo ka hawlgalayay wadadaasi.
askarigan ayaa la sheegay inay dhaawaceen taagerayaasha NASA oo ku sii jeeday ismaamulka Kisumu iyagoona ka soo laabtay dhaarintii hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga.
Sarkaalkani ayaa sido kale laga dhacay lacag caddaan ah ka dib markii ay weerareen taagerayaasha garabka mucaaradka .
In ka badan 300 oo ka mid ah taagerayaasha NASA ayaa ku safrayay basaska yar yar ka dib markii ay ka soo qeyb galeen dhaarintii Raila Odinga.
Sarkaalkan ayaa la dhaawacay ka dib markii uu isku dayay inuu xabsiga Naivasha u taxaabo gawaaridii ay ku safrayeen taagerayaasha NASA.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *