Cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Somalia oo tababar loogu soo xidhay magaalada Kismaanyo.

ku dhawaad 150 Askari oo ka mid noqonaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 43-aad ayaa tababaro loogu soo xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose waxaana munaasabadaas ka qayb galay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Ciidamadaan ayaa loogu tala galay inay ka qeyb qaataan howl galada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah degaanada hoos yimaada maamulka Jubbaland.
Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 43aad Cismaan Axmed Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadaan ay waxbadan kusoo kordhin doonaan dagaallada ka dhanka Al-Shaabab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan koofurta dalka Somalia.
Taliyaha Qeybta 43aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyed Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa ugu danbayntii sheegay in ciidamadaan tababarkooda ay dowladda ka caawisay dowladda Itoobiya, looguna tala galay inay sugaan amniga degaanada maamulka Jubbaland halkaas oo qayb badan ay ku sugan yihiin xoogag daacad u ah ururka AL-shabaab.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *