Hay’adda laanqeerta cas oo sheegtay in 116 guriyo ah lagu gubay ismaaulada Elgeyo Marakwet iyo Pokot

Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegtay in isku dhacyo laga soo tabiyay xadka ay wadagaan ismaamulada kala ah Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot dab lagu qabadsiiyay guriyo dhan 116.
Waxay hay’addan walaac ka muujisay rabshadaha halkaasi ka taagan oo ay ka digtay inay isu bedelaan dagaloo sokeeye oo baaxad leh.
Isku dhacyada lagu gubay guriyahaasi ayaa soo bilowday jimcihii la soo dhaafay.
4 qof ayay dhaawacyo soo gareen kadib markii 5-tii aroornimo ee jimcihii weerar lagu soo qaaday hooygoodi .
Maamulada degaanadaasi ayaa sheegay in ilaa iyo 2,500 oo qof oo ka soo jeedo dhinacyada kala duwan ay barakaceen.
Isku duwaha hay’adda laanqeerta case e waqooyiga gobolka Rift Valley Michael Ayiebei, ayaa sheegay in guriyaha ay dab qabadsiiyeen dhalinyaro ka ficil celinayay xoolo la dhacay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *