Hordhaca kulanka Barcelona iyo Espanyol.

Barcelona ayaan weli laga badin xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga, laakiin waxay la kulmi karaan guuldaradoodii ugu horeysay marka ay usafrayaan caawa kooxda Espanyol.

Kooxda Espanyol ayaa 1-0 kaga badisay kooxda Blaugrana lugta hore ee wareega 8da Copa del Rey xili ciyaareedkaan.

Laakiin Kooxda Ernesto Valverde ayaa awood u yeelatay inay kusoo laabato natiijadii Camp Nou markaasoo ay ugudbeen afarta kooxood ee isugu soo hartay marxalada ugu dambeysa Copa del Rey.

Kooxda martida loo yahay ma aysan badinin 10kii kulan ee ugu dambeyay oo ay kula ciyaareen garoonkooda Barcelona.

GAROONKA: RCDE Stadium

SAACADA: 6:15 PM

Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Alba; Roberto, Paulinho, Rakitic, Coutinho; Messi, Suárez

Espanyol (4-2-3-1): López; Navarro, Hermoso, Duarte, Aarón; López, Sánchez; Baptistao, Darder, García; Moreno

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *