Hormarinta ganacsiga Somalia oo laga shiray

Kulan lagu horumarinayay wax soo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha,Xoolaha nool iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasoo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha ee dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada oo ay wehlinayaan masuuliyiinta rugaha ganacsiga ee dalka Somalia waxaana la isla soo qaaday sidii lagu helilahaa fursado sahlayo in badeecooyinka laga soo
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in looga baahanyahay Ganacsatada inay marka hore bixiyaan canshuuraha dalka,taasi oo keeni karta inuu yimaado horumar dhanka ganacsiga ah,isagoo xusay inay wasaaradiisa ka go’an tahay ka shaqaynta iyo qaadashada dowrkooda ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhinacyo badan oo ganacsiga ah.
sidoo kale wasiirada ganacsi ee maamul goboleedyada ayaa soo dhaweynayay qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay caqabadaha horyaala ganacsiga Somalia sidoo kalena ganacsatada ugu baaqay inay doorkooda ka qaateen talaabooyinka lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka Somalia.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka,si loola jaanqaado dunida inteedi kale,waxayna raadinaysaa fursado dalka Somalia lagu maalgashan karo,sida uu sheegay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *