Real Madrid oo barbaro la gashay Levante.

Real Madrid ayaa awoodi weyay iney wadada guulaha baaqi kusii ahaato isla markaana ay gaarto guul kale si ay usoo yareyso farqiga ay ka hooseyso Barcelona, balse markaan si gaasbis ah ayey usoo jartay maadaama ay barbaro 2-2 ah la gashay Levante.

Cristiano Ronaldo ayaa la badalay intii ay socotay ciyaarta, waxaana la keenay Marco Asensio oo aan wax muuqda ka qaban ciyaarta.

Los Blancos waxey labada gool ka heshay Sergio Ramos iyo Isco Alcaron, halka Levante ay kaga mahad celineyso Boateng iyo Pazzini iyadoo goolka xidigii hore Sampdoria uu yimid daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta.

Los Blancos haatan waxey ka hooseeyaan Barcelona 18-dhibcood, iyadoo labada kooxood ay heystaan min hal kulan.

BBC ayaa ku guuldareysteen iney gool dhaliyaan kulankaan iyagoo kusoo wada bilowday wadar ahaan.

Natiijada waxey kusoo dhamaatay 2-2, Levante ayaana ka heshay Madrid 2-dhibcood xilli ciyaareedkaan madama kulankii Santiago uu ku dhamaaday 1-1.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *