Soomaaliya oo ka qayb gashay shir looga hadlayay arimaha magaalada Qudus.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdulkadir Ahmed-Kheir ayaa ka qeybgalay Shir Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Carbeed ay kaga hadlayeen waxyaabaha ka dhashay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israel, kulankaasi oo ajandyaasha looga hadlayay ay soo gudbisay Dowladda Falastiin “Palestine”.
Shirguddoonka Golaha oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti mudane Mahamoud Ali Youssouf ayaa markale ku dhawaaqay diidmada wadamada carbeed ee go’aanka hogaamiyaha maraykanka.
Kulanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay dib ugu qiimeynayeen xaaladda Qudus, waxaayna isla qaateen in Qudus ay waligeed ahaato Caasimadda dadka Falastiiniyiinta.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada Somalia wuxuu sidoo kale booqday Carwada buugaagta ee magaalada Qaahira, isaga oo daalacday buugaagta ay soo bandhigayeen dad maskax maal ah oo ka soo jeeda wadamada Soomaaliya, Masar, Libya, Isutagga Imaaraatka Carabta iyo wadamo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *