8 dugsi oo abaarta awgeed loo xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay 8 ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee ku yaalo degaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo.
10 kale ayaa laga cabsi qabaa in la xiro saameynta ka dhalatay abaarka degaanadaasi ku dhufatay awgeed.
Dugsiyada ay biya la’aanta soo foodsaartay ee la xiray ayaa kala ah Nasorot, Toplen, Naudo, Lochokia, Napukut,Kang’uria iyo Silale.
Waxaa qarka u saaran in la xiro dugsiyo ay ka mid yihiin Nakule, Lotita iyo. Nalekat.
Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Chemolingot Florence Lomariwa ayaa sheegtay in biya yarida jirta ay saameyn weyn ku yeelatay waxbarashada degaankaasi Tiaty ee ismaamulka Baringo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *