Ciidamada Mareykanka Oo Bilaabay in Ay isaga Baxaan Waddanka Ciraaq

Kumanaan katirsan ciidamada Melleteriga Mareykanka ayaa bilaabay in ay isaga baxaan wadanka Ciraaq kadib sedax sanadood oo ay dagaal uga jireen.
Wakaaladda Wararka AP oo soo xiganaysa Jeneraallo howlgab ah ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ee ciraaq ku duulay ladhimayo kadib markii xukuumadda shiicada ay dib uqabsatay dhammaan magaalooyinka wadanka.
Mas’uul u hadlay isbaheysiga Mareykanku hoggaaminayo ee Ciraaq iyo Suuriya ku duulay sanaddii 2015 ayaa warbaahinta u sheegay in isbaheysigu isku raacay dhismista ciidanka Mareykanka.
Goob Joogayaal ku sugan gobolka Al-anbaar ayaa sheegay in ay dareemeen dhaq dhaqaaq bixitaan ah oo ka socda saldhigga Melleteri ee Al-asad halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada ugu badan Mareykanka ee Ciraaq.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *