Deegaanada maamulka Hirshabeele oo laga hirgalinayo golaha deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay inay dhawaan bilaabayaan dhismaha Golaha degaanka ee degmooyinka maamulkaasi hoos yimaada.
Waxaa uu sheegay in 10 ka mid ah degaanada maamulka Hirshabeelle hadda laga dhisi karo Golaha degaanka oo ay xor yihiin wallow qorshohooda ugu horeeya uu yahay inay hada dhisaan ilaa shan degmo deegaan.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in degmada Matabaan ay kala hadli doonaan maamulka Galmudug, Maadaama maamulkii Ahlusunna ee halkaasi gacanta ku haayay uu ku biiray Galmudug.
Wasiirka ayaa xusay inuu maamulka Hirshabeelle diiradda saari doono dhismaha Golaha degaanka si dadka Shacabka ay u doortaan maamulkooda sidoo kalena u heleen adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa maamul goboleedyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlada Fedraalka Somalia waxay ku howlanaayeen Dhismaha Golaha degaanka, waxaana hadda laga hirgeliyay degmooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayadoo deegaanada kale ee gacanta dowlada ku jirana la wado qorsheyaal loogu dhisayo golaha deegaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *