DHAGEYSO Soomaaliya iyo jabuuti oo iska kaashanaya interneet uu xawaarihiisu sareeyo.

Wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta ee dowlada Somalia oo booqanaya dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay dhigiisa Jamuuriyada Jabuuti.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta wasaarada warfaafinta ee dalka jabuuti ayaa looga hadlay sidii loo sii anba qaadi lahaa heshiiso ay horay u wada gaareen labada dowladood, sida hormarinta isgaarsiinta iyo iskaashiga boostada, waxaa sidoo kale laga wada hadlay arimo ku saabsan xafiiska boostada dalka Somalia oo si rasmi ah looga furay jamhuuriyada Jabuuti.
sidoo kale masuuliyiintaan ayaa kawada hadlay qodobo ku saabsan heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen shirkado Soomaaliyeed oo madax banaan iyo wasaarada warfaafinta ee Jamhuuriyada,heshiiskaas oo xargaha internetka xanbaara ee Viber opticga lagu gaarsiinayo deegaano badan oo ka mid ah dalka Somalia.
Wasiirka wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Somalia Cabdi Canshuur xasan ayaa sheegay inay booqashadaan xoojinayso xiirirka isgaashiga ee labada dal ka dhexeeya maadaama sanadkii la soo dhaafay khadka isgaarsiinta Somalia oo go’ay ay ka dhalatay saamayn weyn oo dhanka dhaqaalaha ah.

Sidoo kale wasiirka wasaarada warfaafinta,boostadada iyo isgaarsiinta ee Jamhuuriyada Jabuuti Cabdi Yusuf Suge ayaa ka warbixinaya waxyaabaha ay labada dal ku heshiiyeen iyo sidii loo sii dardar galin lahaa maadama Baarlamaanka Somalia uu meel mariyaya sharciga isgaarsiinta oo waxbadan ka qabanaya gaabiska dhanka isgaarsiinta ah.

Kadib markii 24-kii bishii Juun ee sanadkii hore uu go’ay khadka isgaarsiinta dalka Somalia wasaarada isgaarsiinta ee dowlada fedraalka Somalia ayaa ku howlan sidii looga hortagi lahaa caqabadaha ka dhalan kara internetka oo go’a maadaama ay saamayn weyn oo dhanka dhaqaalaha ah xiligaas ka dhalatay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *