Nin u dhashay dalka Maraykanka oo lagu dilay Nairobi

Mid ka mid ah dadka aadka ugu ololeeya la dagaalanka ka ganacsiga foolka Maroodiga iyo iyo dhowridda degaanka una dhashay wadanka Mareykanka ayaa lagu dilay caasimadda Nairobi.
Wararku waxa ay sheegayaan in Esmond Bradley Martin lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degamda Karen ee magaalada Nairobi, sidaasi waxaa sheegay booliska.
Taliyaha booliska Nairobi Japheth Koome ayaa sheegay in meydka Bradley laga helay gurigiisa saacado kadib markii LAGU WARGALIYAY BOOLISKA
“Waxaanu qaadnay baaritaanno la xiriira dilka ololeeyaha Mareykanka ah kaasi oo isagoo dhintay aynu ka helnay gudaha aqallkiisa ku yaal Karen,” sidaasi waxaa sheegay Koome oo u waramayey warbaahinta.
Taliyaha ayaa sheegay in Bradley oo 75 sano jir ah kaasi oo hormuud ka ahaan jirey baaritaannada la xiriira ka ganacsiga Foolka Maroodiga in si xun tooreey loola dhacay, kaasi oo weliba dhanka dhuunta looga dilaaciyey laakiin ma jirto qof arrintan loo soo xiray weli.
Dr Paula Kahumbu, oo ah madaxa hey’adda Wildlife Direct ayaa sheegay in Esmond lagu xasuusan doono in uu kaalin mug weyn ka dheelay dhinacyada foolka Maroodiga iyo feenta Wiyisha iyo sidii looga hortagi lahaa in ay dabargoáan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *