Sudaanta koonfureed oo u yeertay safiirkii u fadhiyay Maraykanka

Dowlada sudaanta koonfureed ayaa dib ugu yeertay safiirkii u fadhiyay dalka Maraykanka.
Tallabadan ayaa imaaneysa iyadoo uu sara u sii kacayo muranka u dhexeya labadaasi dal ee ku aadan xayiraada dhanka hubka ah ee lagu soo rogay xukuumada Juba.
Xoghayaha madaxweyne Salva kiir u qaabilsan dhinaca saxaafada Ateny Wek Ateny ayaa sheegay in loo yeeray danjire Mr Garang Diing Akuong si wada tashi loo sameeyo.
Sudaanta koonfureed ayaa tallabada ay qaaday ku micneysay inay tahay mid looga ficil celinayo cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee la saaray.
Wasaarada arrimaha dibada ee sudaanta koonfureed ayaa ka dhawajiyay in xaalada jirto la xalinayo iyadoo aanan la saameyn cilaqaadka u dhexeya labada wadan.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii Maraykanka uu shaaciyay in la mamnuucay in hub laga iibiyo sudaanta koonfureed.
Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayuu marar badan ku cadaadiyay inuu xayiraad dhanka hubka ah saaro xukumada Juba maadama aysan ku guuleysan in la soo afjaro colaada sokeeye.

Dhanka kale hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo dhaweysay cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay sudaanta koonfureed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *