23 qof oo shacab ah oo lagu dilay Suuriya

Hay’ad uu fadhigeedu yahay ingiriiska hasa ahaate dusha kala socoto xaalada bani’aadanimo ee suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 23 qof oo shacab ah lagu dilay duqeymo laga fuliyay dalkaasi.
Duqeymahan dhanka cirka ah ayay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay ka geysteen duleedka magaalada Dimishiq gaar ahaan bariga Ghouta.
Waxaa lagu bartilmaameedsanayay goobo fariisimo u ah fallaagada ka soo horjeedo dowlada madaxweyne Bashar Al-Assad.
Hay’addan ayaa dhanka kale sheegtay in ugu yaraan 70 qof oo kale lagu dhaawacay duqeymahaasi.
23-da qof laba caruur oo ka mid ah waxaa lagu dilay suuq ku yaalo magaalada Beit Sawa halka qaar ka mid ah shacabkaasina ay ku dhinteen weeraro laga geystay magaalada Hazzeh, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP.
Bariga Ghouta ayaa ah meesha ugu danbeysa ee ay weli ku xooganyihin fallagada suuriya iyadoo hay’adaha gargaarka bixiyo ay la daaladhacayaan inay gurmad gaarsiyaan 400,000 oo shacab ah oo halkaasi ku xayiran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *