DHAGEYSO Duqa Muqdisho oo digniin u diray dadka wadooyinka dhisanaya.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadka doonaya in ay dhacaan hantidda danta guud ee magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay inay ku raadjooggaan dadka dhisanaya Wadooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, islamarkaana ay ka qaadi doonaan tilaabooyin culus oo dhanka sharciga ah.
Gudoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir aysan aqbali doonin in dhulalka danta guud ay dad gaar ah la wareegaan oo ay dhismooyin ka samayntaan.
Wuxuuna ugu baaqay inay ka waantoobaan dadka dhisanaya Jidadka mara degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee Muqdisho inta uusan maamulku talaabo ka qaadin.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa baraha bulshadda waxaa la isla dhex marayay wareegayay Sawirro muujinaya Guryo la sheegay in laga dhisaayo Jidcadayeyaasha degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley shalay ayayna ahayd markii gudoomiyaha gobolka banaadir uu joojiyay dhisme ka socday meel aan sidaas kaga fogayn Dekeda magaalada Muqdisho sidoo kale todobaad ka hor ayuu maamulka gobolka Banaadir hakiyay dhisme kale oo ka socday dhulka Biyaasi liibaro ee degmada Xamer Jajab.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *