DHAGEYSO Idaacadda Warsan  ee  Garissa oo sheegtay inuusan jirin wariye ka tirsan oo gabadh faraxumeeyay

Maamulaha idaacadda warsan fm ee ku taalo magaalada Garissa Maxamad Ciise Xuseen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay  warbixin lagu qoray wargeyska The star ee ka soo baxo gudaha dalka sido kalena lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xariirto taasi oo lagu sheegay in wariye ka howlgalo warbaahintaasi uu faraxumeeyay   gabadh   17 sano jir ah.

Waxaa wargeyska lagu qoray   in Muxiyadiin Xassan oo da’diisa  lagu sheegay   34 sano jir ah  uu  gabadh   dhigata fasalka   koobaad ee   dugsiga sare uu faraxumeyn  u geeystay 26-kii bishii Oktoobar  ee sanadkii tagay maantana uu ka  soo hormuuqday  garsoore lagu magacaabo Cosmas Maundu .

Hasa ahaate  eedeysanaha ayaa  iska fogeeyay dacwadda  lagu soo oogay   waxaana lagu siidaayay damiin lacageed oo ah    200, 000 oo shilinka dalk ah    halka kiiskaasi  dib loo dhageysan doono

Maamulaha  warsan oo  beeninaya in eedeysanahaasi uu  ka hawlgalo  idaacadda  ayaa yidhi

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *