Madaxweynaha  koonfur Afrika oo shir isugu yeeray golihiisa wasiirada

Madaxweynaha dalka  Koonfur Afrika  Jacob Zuma aya isugu yeeray golihiisa wasiirada si ay shir uu gudoomin  doono uga qeyb galaan.

Shirkaasi ayaa ka dhacaya magaalada  Cape Town   waxaa uuna ku soo beegmaya  iyadoo uu sara u sii kacaya  cadaadiska  Mr. Zuma  oo 75 sano jir   lagu saaraya inuu is casilo.

Madaxweyne Zuma  ayaa inta  badan  maalinta arbacada   qabto shir ay yeshaan golaha wasiirada  hasa ahaate waxaanan weli caddeyn sababta keentay in maanta oo talaado ah uu isugu yeero.

Dhanka kale  golaha fulinta ee xisbul xaakinka Koonfur Afrika ee  ANC  ayaa  berri yeelanaya kulan aqoonyahanada ka faalooda siyaada ay sheegaayn in laga soo saari  karo baaq ah in madaxweyne Zuma uu xilka ka dego.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *