Qaramada midoobay   oo sheegtay in hal milyan oo qof  ay ku barakaceen Itoobiya

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in isku dhacyo dhex maray  laba jaaliyadood oo ka mid ah kuwa wada dego Itoobioya  ay hal milyan oo qof ku qasbeen  inay guriyahooda ka barakacaan.

Sanadkii la soo dhaafay ee  2017-kii waxaa la soo tabinayay dagaalo u dhexeya soomaalida iyo  qowmiyada oromada.

Arrintan ayaa shaaca looga qaaday warbixin uu soo saaray xafiiska  qaramada midoobay u qaabilsan   isku duwida  arrimaha  bani’aadanimada ee OCHA.

Sanadkii 2017-kii  oo keliya waxaa barakacay  700,000 oo qof sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *