Shirka amaanka qaranka oo Muqdisho ka furmay.

Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka furmay Shirka amniga Qaranka oo uu  Guddoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shirkaan oo ay ka qayb galayaan madaxda dowlad Goboledyada, ayaa diirada lagu saaraya arrimaha ammaanka iyo waxyaabaha ka hirgalay shirkii ka horeeyay waxaana la ogyahay in ajandayaashiisa ay ugu weyn yihiin amaanka qaranka iyo masuuliyiinta oo kala war qaadanaya.

Shirka oo qorshaha uu yahay Berri in la soo gaba gabeeyo, ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxda kulantay.

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa ka qaybgalaya Shirkaan, wuxuuna matalaya Gobolka Banaadir.

Madaxda dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo madaxda dowladda ayaa isugu yimaada shirarka noocaan oo kale ah oo ay kaga hadlaan arrimaha ammaanka iyo talaabooyinka haboon ee ay tahay in lagu dhaqaaqo shirkii kan ka horeeyay ayaana dhacay bishii November ee sanadkii hore.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *