Tirakoob qaran oo la sameynaya sanadka 2019-ka

Wasiirka xilka sii baneynaya ee dowlad wadaajinta Mwangi Kiunjuri ayaa sheegay in bishi sideedaad ee sanadka 2019-ka la qabanayo tirakoob qaran.
Mr Kiunjuri ayaa ka dhawajiyay in diyaar garoowga loogu jiro tirakoobkaasi oo la sameeyo tobankii sano hal mar uu haatan socdo.
Wasirika aya hadalkan jeediyay xili uu maamulka wasaarada dowlad wadaajinta ku wareejiyay Mr Eugene Wamalwa oo horay u ahaa wasiirka biyaha iyo waraabka.
Mr.Kiunjuri ayaa sheegay in tan iyo markii wadanka laga hirgeliyay nidaamka dowlad wadaajinta ku dhawaad 1 tiriliyuun oo shilin loo qeybiyay ismaamulada dalka.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in miisaniyad sanadeedkii 2013/ 2014-kii ismaamulada kala duwan ee dalka la siiyay lacag dhan 210 bilyan oo shilin, 2014/2015-kii loo qeybiyay 226 bilyan, 2015/2016-kii la gaarsiiyay dhaqaale gaaraya 287 bilyan ,302 oo loo qeybiyay miisaaniyad sanadeedkii 2016/2017-kii halka 2017/2018-ka lacagtaasi ay ahayd 327 bilyan oo shilin.
Wasiirka wasaarada maaliyada ee dalka Mr Henry Rotich ayaa dhankiisa soo dhaweeyay in waaxda qorsheynta oo horay hoos tagi jirtay dowlad wadaajinta hada lagu daray maaliyada.
Mr Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in dowlada dhexe ay ismaamulada ka caawin doonto sidii loo soo saari lahaa shuruuc ku aadan soo magacaabista gudoomiye ku xigeenada.
Mwangi Kiunjuri oo horay u ahaa wasiirka wasaarada dowlad wadaajinta iyo qorsheynta ayaa hada noqonaya wasiirka beeraha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *